Comment

                                         Xulka Kubada Cagta Dalka Soomaaliyeed ee Da’dooda ka yar 17, jirka ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ka dib Markii Safar ay kaga soo kicitameen Magaalada Doha ee Dalka Qadar ey ku soo gaareen Dalkaasi masar.

Imaanshiyaha Xulka Qaranka Soomaalida ee U17,ka Dalka masar ayaa in muddo ah la sugaayay iyagoona Kulan aan cadi aheyn oo ka tirsan is reeb reebka koobka Qaarada Afrika ee xulalka U17 la qaadan doona Xulka Dalka masar.

Ciyaartoyda Xulka Kubada cagta Soomaaliyeed ayaa muddo gaaban ku sugnaa Magaalada Doha ee Dalka Qadar iyagoona halkaasi ku sameenaayay Diyaar garow ku aadan kulanka adag oo ay la qaadan doonaan Xulka Masar.

Inta ay xulka soomaaliya ku sugnaayeen Dalka Qadar waxa ay Ciyaar saaxiibtinimo la qaateen Ciyaartoyda Al-Shaxaniya ee ka dhisan Dalka Qadar taasoo ay ugu awood sheegteen 2-0, waxeyna sidoo kale Ciyaar labaad oo saaxibtinimo ah la qaateen Kooxda heysata koobka Horyaalka dalka Qadar ee Al-Gharafa FC. taasoo ku soo idlaatay bar bar dhac 1-1.